Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.
Wafdiga Madaxweynaha oo ka soo kicitimay magaalada Boosaaso ayaa la filayaa inay caawa ku hoydaan magaalada Gaalkacyo, isla markaana uu kula kulmo waxgaradka, bulshada dhinacyadii magaaladaan isku hayey iyo saraakiisha ciidanka amniga.
Waxaa soo dhoweeyay Madaxweyne Farmaajo iyo wefdigiisa Madaxweynaha Galmudug, Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maaamulka Gobolka Mudug ee labada dhinac iyo kumanaan dadweynaha magaaladaasi.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu uga gudbo Gaalkacyo, deegaanada kale ee Galmudug, sida Cadaado, Caabudwaaq, Dhuusa Mareeb iyo Guriceel.