Mareykanka iyo Iiraan oo is dhaafsaday hadalo kulul ee ku aadan dibadbaxyada ka socda Iiraan

Date:

Dalka Iiraan ayaa waxaa sii kordhaya banaan baxyada rabshadaha wata ee ka dhacaya Dalkaasi,kuwaasi oo salka ku haya mid loooga soo horjeedo cadaadis la sheegay in shacanku ay kala kulmayaan dowladda Dalkaasi.

Ilaa 2 qof ayaa lagu soo waramaya in lagu dilay magaalo lagu magacaabo Dorud  oo ku taala Galbeedka Dalkaasi Iiraan,sida ay muujinayaan Muqaalo lagu baahiyay baraha bulshada.

Magaalada Abhar, oo ku taalla waqooyiga dalkaasi dibad baxayayaasha ayaa gubay tabeelo uu ku dhaganaa sawirka hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan , Ayatollah Cali Khamenei.

Caasimadda Tehran, ayaa waxa ay dibad baxayaasha ay isgu soo baxeen bartamaha magaaladaasi waxa ayna booliiska iyo militariga ay ugu baaqayeen in ay ku soo biiraan.

Dhanka kale Madaxwaynaha Mareykanka Donald  Trump ayaa bartiisa tweetarka ku qoray in xukumadaha wax cadaadiya aysan sii waari doonin.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa lagu sheegay in hadalka Trump uu u muuqdo in uu yahay fursad ka faa’idaysi iyo khiyaamo.

Madaxwaynaha mareykanka ayaa horey u dhaliilay heshiiskii Niyukleerka ee Iiraan ay la galeen wadamada quwadaha waawayn.

Magaalooyiinka qaar waxaa isku dhacay dibad baxayayaasah iyo booliiska,iyadoo sidoo kale shalay caasimada Tehran uu dhacay dibadbax lagu taageerayay xukuumada Iiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...