Ururka Iskaashiga Islaamka oo soo dhaweeyay magacaabista ergayga Gaarka ah ee Maymar

Date:

War maanta oo Arbaco ah ka soo baxay Xafiiska ururka Iskaashiga Islaamka ee magalada Jiddeh ayaa lagu sheegay inuu Ururku si diiran u soo dhaweynayo qaraaka ka soo baxay Qaraamada Midoobay oo ah in ergay gaar ah loo magacaabo Xiisadda ka aloosan dalka Maymar oo guryahoodii laga soo barakiciyay kumanaan kun oo Muslimiinta Rohingya.
Xoghayaha Guud ee Qaraamada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in talabadan magacaabista egaygaasi ay tahay mid lagama maar maan noqotay marka loo eego dhibaatada dadka tirada yer ee Muslimiinta dalkaasi Maymar ee Rohin-gaha lagu hayo.
Mr Guterres Wuxuuna intaa raaciyay inay talaabadaasi ay Qaraamada Midoobau u cuskatay  qodobka 122 ee codeyntii axadii la soo dhaafay ka dhacday xarunta Qaraamada Midoobay ee magaalada New-york kuna saabsaneyd  arrinta muslimiinta Gobolka Rohingya oo Ciidamada dalkaasi Maymar  dagaalka ay kaga soo barakiciyeen dagaanadooda.
Talaabadan muhimka oo ay qaramada Midoobay qaaday ayaa ku soo aaday xilli uu Ururka iskaashiga islaamku dadaal badan ugu jiro xal u helidda dhibaatada soo wajahday muslimiinta Rohingya ee dalka Maymar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...