10 katirsan Maleeshiyada Shabaab oo lagu dilay Bokool

Date:

Waxaa sii kordhaya khasaarihii ka dhashey dagaal dhexmaray ciidamo taabacsan Mukhtaar Roobow Abuu-mansuur iyo maleeshiyaad katirsan kooxaha argagixisada Al-shabaab oo ka dhacay Gobolka Bokool.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii ciidamada daacadda u ah Abuu-mansuur ay duulaan ku qaadeen deegaano ku dhow Abal oo hoostaga magaalada Xudur,iyagoo ka warhelay xogo la xiriira in halkaasi ay kusugan yihiin maleeshiyaad katirsan Alshabaab.

Saraakiil katirsan ciidamada Dowladda oo ku sugan Gobolka Bokool ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in dagaalkaasi Al-shabaab looga dilay ilaa 7 maleeshiyo ah,halka kuwo kalena ay dhaawacmeen,sidoo kale qaar oo nolosha lagu soo qabtay.

Dhanka kale waxaa la sheegay in dhanka ciidamada daacadda u ah Abuumansuur uu soo gaarey khasaare aan sidaasi u badnayd,waxaana xaaladdu ay tahay mid degan deegaankuna ay kusugan yihiin ciidamadii taabacsanaa Mukhtaar Roobow Abuumansuur.

Mukhtaar Roobow Abuu mansuur ayaa muddooyinkan waday abaabul iyo qorshayaal dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana uu dhowaan tagay magaalooyinka Baydhabo, Xudur iyo Kismaayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...