Wasiir Yariisow” Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay qeyb weyn ka qaataan Nabada iyo Xasiloonida”

Date:

Muqdisho(SONNA);— Waxaa maanta magaalada Masqad ee dalka Cumaan ka furmay shirka caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Dalxiiska,kaasi oo mudada labada maalin ee uu soconayo diirada lagu saarayo horumarinta iyo joogteynta Dhaqanka iyo Dalxiiska Aduunka.

Shirka oo ay soo qaban qaabiysay Hay’adda Dalxiiska Adduunka ee Qaramada Midoobey (UNWTO) iyo UNESCO ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo uu wehliyo Cumaan Yasir Baffo oo ah La Taliyaha Wasiirka ee dhanka Dalxiiska.

shirka oo goordhow furmay ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Wasiirada dalalka lagu casuumay shirka,kuwaasi oo dhamaantood soo bandhigay siday muhiim u tahay in la horumariyo Dhaqanka iyo dalxiiska oo qeyb ka qaata horumarka dal kasta oo caalamka ka tirsan.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo hadal ka jeediyay shirka ayaa ku dheeraaday muhiimadda dhaqanka iyo dalxiiska u leeyahay Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Wasiir Yariisow in Soomaaliya oo ku taalo Geeska Africa ay muhiim u tahay soo nooleynta dhaqanka iyo Dalxiiska,wuxuuna dhanka kale tilmaamay in dalkeena Soomaaliya uu leeyahay goobo caan ah oo dalxiiska ku wanaagsan iyo Jaziirado.

Sidoo kale,Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa hoosta ka xariiqay in horumarinta iyo joogteynta dhaqanka iyo Dalxiiska qeyb ka qaadan karto nabada iyo xasiloonida dalka.

Shirka oo mudo labo maalin ah soconayo ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku jaan go’an sida la isaga kaashan karo horumarinta iyo kor u qaadista dhaqanka iyo dalxiiska caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...