Muqdisho(SONNA):– Munaasabadaanย oo ay ku qalin jabinayeenย in kabadan 500 oo ardayย oo dhameysatayย waxbarashadaย kuliyadaha kala duwan ee jaamacaddaย Somali Internationalย Universityย (SIU) kaasi ooย uu soo qaban qaabiyay ย Maamulka Jaamacadaย SIU ayaa lagu qabtay Magaaladaย Muqdisho
Munaasabadaย ayaaย waxaa ka soo qeyb galayย Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Prof, Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari,Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Maamulka Jamaacada SIU, Waalidiin,ย Macalimiinta wax ka dhiga jamacadda ย Aradyda wax ka barta Jaamacadda SIU ย iyo marti sharaf kale
Xasan Xuseen Gutaale oo ku hadlayay magaca waalidiinta ayaaย u mahad celiyayย Maamulka iyo macalimiintaย Jaamacaddaย SIU sida hagar la’aanta ah uga qeyb qaateen wax barashadaย Ardayda soomaaliyeed.
Madaxa Xiriirkaย Caalamiga ee Arimaha Dibadda Dr. Andraw Okela oo ka socday Jaamacada Makareeri ee dalka Uganda ayaa ย ka hadlayย muhiimada xiriirka labada jaamacadoodย ee Makareeri iyo SIU.
Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ee Soomaaliya (SIU), Shaafici Diiriyeย Cabdi ayaa ka warbixiyay tirada ardayda ka qalin jabisay Jaamacaddaย iyo kuliyadaha ay ka qalin jabiyeen.
Wuxuuna sheegay in tirada ardayda qalin jabisay ay gaarayaan in ka badan 500-Arday,kuwaasi oo dhameystay kuliyadaha ay bixiso Jaamacadda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaankaย Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan ย ayaa kuย booriyay ardaydaย ka qalin jabineysa jaamacadda in ay sii laba laabaan wax barashadoodaย isla markaana ku dadaalaan horumarka dalkooda hooyo
Gabagabadii munaasabada ayaa wax shahaadooyin la gudoonsiiyay Ardayda dhameysatay waxbarashada heerkaย koowaad ee jaamacadda.