Shacabka Dhuusamareeb oo soo dhoweeyay Heshiiskii Maamulada Galmudug iyo Ahlu-suna

Date:

Muqdisho(SONNA);– Shacabka ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa soo dhoweeyay heshiiskii shalay ay magaalada Muqdisho  ku gaareen Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna Waljamaca.

Shacabka ayaa sheegay in Heshiiskaan uu dhabaha u xaarayo maamul dhameystiran oo awood u leh hanashada  guud ahaan deegaanada Galmudug.

Mid ka mid ah shacabka ku dhaqan Dhuusamareeb oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa Yiri” Haddii aan nahay shacabka Dhuusamareeb waxaan soo dhoweyneynaa heshiiskii shalay lagu gaaray magaalada Muqdisho,waxaana u mahad celineynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya,Walaalaha Jabuuti iyo Urur Goboleedka IGAD,waxaana Alle ka baryeynaa inuu noqdo Heshiiskaasi mid guuleysta”,

Sidoo kale,mid ka mid ah Haweenka Dhuusa-mareeb ayaa ku tilmaantay Heshiiska Ahlu sun iyo Galmudug mid meesha ka saaraya khilaafkii dhanka maamulka ah ee ka jiray deegaanada Galmudug,waxayna dhinacyada Heshiiska galay ugu baaqday iney siday tahay u dhaqan geliyaan.

Magaalada Dhuusamareb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ahna Caasimada Maamulka Gal-mudug ayaa laga dareemayaa diyaar garow ku aadan wafdiga ku soo wajahan, maadaama la xaliyey Qilaafkii Siyaasadeed ee Muddo soo jiitamayey.

Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Maamulka Gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa shalay heshiis taariikhi ah oo ay ku midoobayaan  ku kala saxiixday xarunta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo ku heshiiyey 14 qodob ayaa ku boggaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkii dheeraa ee ay ku bixisay xallinta khilaafka u dhexeeyey, iyagoona muujiyeey sida ay uga go’an tahay ka-mira-dhalinta dadaalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay bandhigga wax-qabadka Xukuumadda Dan-Qaran 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...