Wejigii 2-aad ee shirkii London oo lafilayo in laga soo saaro qodobo muhiim ah

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo geba gebeynayaa wejigii 2-aad ee shirkii London ee arrimaha Soomaliya,kaasi oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka Furay Magaladda Muqdisho maalintii shalay ahayd.

Shirka waxaa ka qeybgalaya madaxda dowladda Soomaaliya,kuwa dowlada Goboleedyada iyo saaxiibada beesha Caalamka,waxaana lagu wadaa in laga soo saaro qodobo muhiim u ah Soomaaliya.

Maalintii Shalay ayaa waxyaabaha shirka furitaankaasi looga hadlay waxaa kamid ahaa,horumarinta Qorshaha kala guurka oo ku saleysan Waqti Cad si Mas’uuliyadda Amniga looga Wareejiyo Ciidamadda AMISOM looguna wareejiyo Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya,in la siiwado Taageeradda Beesha Caalamka si loo dhiso Awooda ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed si ay u yeeshaan awood ku filan oo ay ku hanan karaan ammaanka Dalka.

Waxaa sidoo kale si weyn loo falanqeeyey ahmiyadda ay leedahay xoreeynta Deegaanada ay ku dhuumaalaysanayaan maleeshiyada SHabaab iyo isku dhafka ciidamadda Qaranka,kuwaasi oo ah waxyaabaha ay dowladda Soomaaliy mudnaanta siindoonto.

Inta uu socto Qeybta labaad ee shirka waxa yaabaha diiradda lagu saaraya waxaa kamid ah arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda halka.

Ujeedka guud ee shirkan ka socda magaalada Muqdisho ayaa ah in dowladda Soomaaliya ay soo bandhigto waxyaabihii uga qabsoomey shirkaasi oo wejigiisa koowaad ka dhacay magaalada London ee xarunta Dalka Brtian bishii May ee sanadkan 2017.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska 

Muqdisho, Febaraayo 12, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Soomaaliya iyo Masar oo yeeshay Kulan Laba-Geesood ah oo lagu xoojinayo Iskaashiga  Istiraatiijiga ah

Addis Ababa | Khamiis, 12 Febraayo 2026 Wasiirka Arrimaha Dibadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka Golaha Nabadda iyo Amniga AU ee AUSSOM iyo Suudaan

Mudane Cabdisalaam Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga...

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalka  Aljeeriya

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...