Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo sheegay in la xoojinayo Ciidamada Badda Soomaaliya

Date:

Muqdisho(SONNA):— Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa sheegay in waxyaabaha shirka Golaha Amniga Qaranka ee shalay ka qabsoomay Muqdisho looga hadlay ka mid ah in la dhiso lana xoojiyo Ciidamada Badda Soomaaliya si loo soo celiyo sharaftii iyo heybadii ay lahaayeen Ciidamada Badda Soomaaliya.

Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga ayaa sheegay in Guddi gaar ah oo ay hogaamineyso Wasaaradda Gaashaandhiga loo saaray dhismaha Ciidamada Badda Soomaaliya,kuwaasi oo qiimeyn ku soo sameeya qaabka ugu fududud ee Qorshahan uu ku fuli karo.

” Waxaa Muqdisho ka qabsoomay shirka Golaha Amniga Qaranka oo warbixin looga dhageystay Guddiga Farsamada ee Amniga Qaranka oo qiimeyn ku soo sameeyay xoogga dalka Soomaaliyeed,sidaasi oo kale Guddiga wuxuu soo jeediyay in qiimeyn taasi la mid ah lagu sameeyo Ciidamada Dowlad Goboleedyada iyo in la dhiso ciidamada Badda Soomaaliya,waxaana loo saaray Guddi gaar ah oo ay hogaamineyso Wasaaradda Gaashaandhiga,waxaana halkaan uga mahad celinayaa Ciidamada Qalabka sida iyagoo daruufo adag ku shaqeynaya hadana u halgamaya Wadankooda,” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga xilliga uu warbaahinta u faah faahinayay shirka Golaha Amniga ee ka qabsoomay Muqdisho.

Shirka oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa ka qayb galay xubnaha Golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Galmudug oo howla shaqo oo kale u cudur-daartay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf...

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...