Trump “Ha igu mashquulin ee diiradda saar Kooxda argagixisada ah ee kharbudaadda ka wada UK,”

Date:

Muqdisho(SONNA) Donald Trump,madaxweynaha Mareynkanka ayaa Ra’iisal wasaaraha Britain Theresa May u sheegay iney diirada saarto argagixisada ingiriiska ka dib markii ay ku dhaliishay in uu sii faafiyay muuqaalo ay Muslim nacayb ku jiraan oo ay baahiyeen qolyaha garabka Midig.

“Ha igu mashquulin ee diiradda saar kooxaha argagixisada ah ee xagjirka ah ee kharbudaadda ka wada Boqortooyada Ingiriiska,” ayuu Trump ku soo qoray Twitterka.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa mar sii horraysay sii faafiyay muuqaal ay onlineka soo dhigeen koox British ah oo dhanka midig u janjeera.

Afhayeen u hadlan May ayaa sheegay in ay khalad ahayd in uu madaxweyne Trump sidaa yeelo”.

Maraykanka iyo UK ayaa xulafo dhaw ah, badanaana waxaa lagu tilmaamaa in ay leeyihiin “xiriir khaas ah”.

Trump Twitterkiisa waxaa ku taxan 40 milyan, muuqaalka uu sii faafiyayna waxaa soo dhigay markii hore Jayda Fransen oo ah hogaamiye ku xigeenka kooxda Britain First, kuwaas oo uu aasaasay qof horay uga tirsanaan jiray xisbiga BNP.

Fransen ayaa Britain lagaga soo oogay dacwado ah in uu adeegsaday erayo “goodin ah, wax u dhimitaan ama cay ah.

Twitterka hore ee Fransen ayaa lagu sheegay in uu yahay qof Muslim ah oo weeraraya nin kale, waxaana sii raacay labo muuqaal oo kale Fransen uu ku sheegay Muslimiin.

Afhayeen u hadashay Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa sheegtay in May iyo hogaamiyeyaasha kale ee caalamku ay ogaadaan “in halistani ay tahay mid dhab ah oo loo baahan yahay in laga wada hadlo”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...