Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Kormeer ugu tagay Ciidamada ku sugan Waajid

Date:

Muqdisho (SONNA) Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, si ay u dhiiri galiyaan Ciidamadda Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka oo la hadlay wakaalada SONNA ayaa sheegay in ay u kuur galeen xaalada Ciidamadda oo diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira sidii maleeshiyada Al shabaab looga saari lahaa deegaanada yar ay ku dhuumaaleysanayaan, wuxuuna sheegay in talaabadan ay daba socoto dagaalkii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dhinaca kale sheegay in sidoo kale ay booqasho ugu tageen Ciidamada ku sugan degmada Buurhakaba ee Gobalka Bay, wuxuuna sheegay in diyaar garow fiican uu ka muuqdo, isla markaana ay diyaar u yihiin Argagaxisada Al shabaab inay ku weeraraan Saldhigyada ay ku dhuumaaleysanayaan, wuxuuna sheegay in wax lagu farxo ay tahay sida ciidamada ay kaga muuqato Wadaniyada iyo kalsoonida ay ku qabaan in gabi ahaanba dalka ay ka saaraan Maleeshiyada Jid iyo Jihadiidka ee Al shabaab.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in Howlgaladda Xooggan oo ay wadaan ciidamadda Xoogga dalka iyo Saaxiibada Caalamka ay kordhisay baqdinta iyo walwalka ay qabaan Argagaxisada, iyadoo sababtay in maalmihii ugu dambeeyay ay Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed isku soo dhiibayeen Nabad diidka Al shabaab halka qaar kale oo badan ay iskaga carareen Koonfurta Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad oo dib loo dayactiray oo xarigga laga jaray

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag...

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...