Tabarbarkaan oo socanaya mudo sedex maalin ah ayaa waxaa loo qabtay dhamaan shaqaalaha Wasaaradda Amniga gudaha iyadoo ay daah fureen wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga gudaha C/naasir Saciid Muuse iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Aminga Yuusuf Cali Maxamed, iyadoo la dar dar galiyay habsami u socodka dhamaan shaqaalaha iyo maamulka wasaaradda ,
Wasiir ku xigeenka wasaarada Amniga guduha C/naasir Saciid Muuse waxa uu tilmaamay in tababrkaan uu muhiim u yahay wasaarada, maadaamada ay tahay mid ka mid ah wasaaradaha ugu Shaqada badan iyo kor u qaadista xirfada shaqaalaha.
“Waxaan maanta daah furnay tababar 35 qof oo shaqaalaha wasaarada iyo 10 qof oo agaasime waaxeedyo ah, waxaana uga gol leenahay in la tayeeyo xirfadda shaqaalaha iyo maamulka wasaaradda amniga gudaha”ayuu yiri Wasiir ku xigeenka wasaarada Amniga guduha
Sidoo kale Wasiir ku xigeenka ayaa xusay in tababarkaan ay maanta daah fureen inuu yahay mid isla xisaabtan ah sida uu horay u balan qaday Ra’iisul Wasaare kheyre, waxaana uu kula dar dardaarmay in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan dalkoodana ugu shaqeeyaan.