Wasiir Isloow” Ujeedka Xeerka la dagaalanka Argagixisada waa sidii dalka looga ciribtiri lahaa Argagixisada”

Date:

Muqdisho( SONNA) Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow ayaa muhiimadda uu leeyahay xeerka la dagaalanka Argagixisada ku sheegay inuu yahay sidii dalka looga ciribtiri lahaa Kooxda Argagixisada laguna xakameyn lahaa falal danbiyeedyada ka dhasha Argagixisada loona dhowri lahaa sareynta sharciga iyo Xuquuqda aadanaha.

Wuxuu sheegay Wasiir Isloow in xeerkaan uu ka kooban yahay afar qeybood oo ka kooban 37-Qodob,sidoo kale,Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in xeerkaan uu waafaqsan yahay dastuurka KMG ah,isagoo dhanka kale cadeeyay inuu xeerkaan la jaan qaadayo qaraarada la dagaalanka iyo ka hortaga Argagixisada ee ka soo baxa Qaramada Midoobay.

Wasiirka oo shalay hortagay Golaha shacabka ayaa cadeeyay in faa’idada uu xeeraan leeyahay ay tahay inuu si cad u qeexayo wuxuu yahay Argagixiso iyo fal argagixiso,wuxuuna adkeynayaa cadaalada iyo daba galka,xaqiijinta iyo cadeynta danbiyada argagixisada.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo shalay kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay ka doodeen Hindise sharciyeedyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin.

1:Ansixinta Soojeedinta Guddiga Maaliyadda ee Miisaaniyadda Dowladda 2018

2:Akhrinta1-aad hindise Sharciyeedka ladagaalanka Arggagixisada

3:Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka xakameynta hubka wax dila.

Ansixinta Xeerka la dagaalanka Argagixisada ayuu muhiim u yahay sidii dalka looga cirib tiri lahaa kooxaha Argagixisada oo hadda gabalkooda uu sii dhacayo,waxaana hadda socda howgalo la doonayo in looga sifeeyo deegaanada fara ku tiriska ay ku harsan yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...