in kabadan 20 qof oo ku geeriyootay qarax ka dhacay Ciraaq

Date:

Ciraaq(SONNA) Waqooyiga Magaalada Baqdaad ee Caasimadda Dalka Ciraaq ayaa waxaa ku dhimatay  Ugu yaraan 23 iyo lixdan kale oo la dhaawacay kadib markii halkaasi lagu qarxiyaya gaari ku rarnaa waxyaabaha qarxa.

Laamaha Amaanka dalka Ciraaq ayaa sheegayaa in Qaraxu uu ka dhacay  suuq  aad u mashquul badan kaasi oo kuyaala bartamaha magaalada Tuz Khurmatu oo qayaas ahaantii 160 KM dhanka Waqooyi kaga aadan magaalada Baqdaad.

Waxaa isbitaalada la dhigay dad aad u farabadan kuwaasi oo dhaawacyo kaladuwan uu ka soo gaarey qaraxaasi oo lala beegsaday suuq aad u mashquul badan

Majiro ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi,balse inta badan waxaa halkaasi weerarada bartilmaameedka ah ka fuliya koxda Daacish.

Xaydar Al-Cabaadi Raiisul Wasaaraha Ciraaq ayaa sheegay in uu ay dhow dahay waqtigii la soo afjari lahaa dagaalka ka dhanka ah Daacish,kadib markii deegaanadii ugu dambeeyey ay qabsadeen ciidamada Ciraaqiyiinta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Geneva kaga qayb galay shir muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo tababar muhiim ah soo xiray

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milatari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...