Bannaan baxyo ka dhacaya Zimbabwe

Date:

Zimbabwe(SONNA) Iyadooweli madaxweyne Roberta Mogabe uu diidan yahay in uu xilka ka dego,ayaa hadana madaxda Xisbiga talada dalka Zimbabwe haya ee ZANU-PF sare u qaaday cadaadiska uu ku hayo Madaxweyne Robert Mugabe,waxaaan ay ugu yeereen in uu xilka baneeyo.

Saraakiisha sar sare ee  Hoogamisa  xisbiga ZANU-PF ayaa Mugabe ka dalbanaya in uu xilka iska casilo kadib markii maalintii arbacada ay ciidamada Militariga la waregeen awodda dalkaasi.

Balse Madaxwayne Robert Mugabe wuxuu doonayaa in uu xilkasi ssii hayo ilaa xisbiga uu ku yeelanayo shirka qara ee la filayo in bisha soo socota lagu qabtay Dalkaasi.

Banaan bax ballaaran oo ay taageerayaan militariga Zimbabwe iyo Saraakiisha xisbiga ZANU-PF ayaa lafilayaa in maanta uu ka dhoco magaalada Haraare ee Caasimadda Dalka Zimbabwe.

Hogaamiyayaasha ururka ay ku bahoobeen galbeedka Afrika ayaa wada dadaalo lagu doonayo in lagu soo afjaro,iyadoo Madaxwayne Robert Mugabe uu shalay markii ugu horreysay tan iyo arbacadii ka soo muuqda goob fagaara ah isaga oo ka qaybgalay xaflad qalinjabin ahayd.

Madaxweyne Mugaabe ayaa saran cadaadis xoogan oo dhankasta kaga imaanaya,kaasi oo ah in uu talada wareejiyo maadaama muddo 40 sano ah uu soo maamulayay dalkaasi,tan iyo 1988kii

Militariga Dalkaasi ayaa waxaa ay sheegayaan in ay wada hadal kula jiraan balse ay soo sheegi doonaan natiijada ka soo baxda wadahadaladaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...