Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Gobolka Baay

Date:

Diyaaradaha dagaalka ee Dalka Maraykanka ayaa duqeeyay fariimiso ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanno ka mid ah Gobolka Baay.

War saxaafadeed kasoo baxay taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay iney duqeymahaasi ka dhaceen goobo bartilmaameed ahaa, kuwaasoo lala eegtay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Taliska AFRICOM ayaa intaa raaciyay in duqaynta oo ka dhacday meel 100 Mayl u jirta Caasimadda Muqdisha kana tirsan Gobolka Baay ay ku dileen Malleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-Shabaab, balse wax faahfaahin ah lagama bixin haddii ay ku jiraan hor-joogayaal sare.

Hadafka duqaynta laga lahaa ayuu talisku ku sheegay ka hortagga haliska ay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-shabaab ku hayaan Gobolka iyo guud ahaan Caalamka intiisa kale.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay iney sii socon doonaan howl gallada lagu baacsanaya Argagixisada, iyadoo ay weerarradaasina qayb ka yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...