Taliska AMISOM oo faah faahiyay bixitaanka ciidamada Amisom

Date:

Muqdisho(SONNA):–Kadib shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madera ayaa shaaciyay Tirada Ciidamada ugu horeeyo ee howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka baxaya Dabayaaqada sanadkaan,taasi oo qeyb ka ah qorshe ay ciidamada Amisom kaga baxayaan guud ahaan dalka.

Danjire Madera ayaa xusay in sanadkaan dhamaadkiisa ay Soomaaliya ka baxayaan ilaa 1,500 oo Askari oo dalkooda dib ugu laaban doono,isagoo intaasi ku daray in si tartiib tartiib ah uga baxayaan dalka ilaa ciidamada Dalka ay la wareegaan Amnigooda.

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya Mr Francisco Madera ayaa beeniyay in Ciidamo Cusub oo itoobiyaan ah ay soo gaareyn Soomaaliya waxa uuna been abuur ku tilmaamay wararka ay baahiyeen Warbaahinta Dalka.

Hadalkan ka soo baxay taliska Amisom ayaa imaanaya xili ciidamada xooga dalku ay isku diyaarinayaan sidii ay u hanan lahaayeen guud ahaan xasilinta amniga dalka.

Dhawaan waxaa bilowday howlgalo ballaaran iyadoo Alshabaab laga qabsaday deegaano dhowr ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/W Xamse “Musuqmaasuq lama Ciribtiri Karo haddii aan la helin Garsoor lagu kalsoon yahay”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Booqday Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Ciraaq

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo sagootiyey Ciidamo Tababar kusoo qadanayo Masar

Ku Simaha Taliyaha ahna Taliye ku-xigeenka  Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya 

Wasiirka Wasaaradda Deegganka iyo Isbadalka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...