Golaha shacabka JFS oo maanta akhrintii labaad mariyey hindise sharciyeedka kheyraadka biyaha “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Kulanka guud ee Golaha Shacabka jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya oo uu shir gudoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka, Mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari, ayaa maanta ka dooday hindise sharciyeedka kheyraadka biyaha, waxaana  ugu horreyn guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka uu golaha warbixin ka siiyay qorshaha gudiga Maaliyada ee inta ka harsan kalfadhigan.

Guddoomiyaha golaha shacabka,  Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa sheegay in guddiyada kale ee golaha looga baahanyahay in qorshayaashooda ay soo gudbiyaan.

guddiga kheyraadka dabiiciga ah ee golaha Shacabka, ayaa golaha ka hor jeediyay warbixinta hindise sharciyeedka kheyraadka biyaha oo horey akhrinta koowaad loo marsiiyay, waxaana golaha ka hor akhriyay Xildhibaan Axmed Abtidoon oo xubin ka ah guddiga, isagoo golaha ka codsaday in la ansixiyo.

intaasi ka dib guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee golaha shacabka, Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey,  ayaa ka hadlay muhiimadda sharcigan uu dalka u leeyahay iyo sidoo wabiyada dalkeena mara.

Guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa sheegay in qof walba oo muwaadin Soomaaliyeed uu xaq u leeyahay inuu helo biyo nadiif,  sidaasi daraadeedna uu sharcigan muhiim yahay.

Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka biyaha ee dowladda Soomaaliya, Mudane Saalim Caliyow Ibrow, ayaa u mahad celiyay xildhibaanada golaha shacabka gaar ahaan guddiga kheyraadka dabiiciga ah ee golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in hindise sharciyedkan guddiga iyo wasaaradda looga baahanyahay in ay kusoo daraan wixii aragtiyo ah oo ay xildhibaada soo jeediyeen, si loo ansixiyo kulanka kan xigga.

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...