Shirka wadatashiga oo arrimo badan looga hadlay

Date:

Wajigii labaad ee shirka wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad Goboleedyada dalka ayaa caawa si toos ah uga bilowday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah Shabaab, dib u eegista Dastuurka, Dardargelinta Hanaanka Federaalka, Daadajinta Hannaanka ka faa’iidaysiga Khayraadka iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ayaa waxaa loo xil saaray guddi isku dhaf ah oo ka ka kala socda Dowladda Dhexe iyo dowlad Goboleedyada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Madaxda Dowlada Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa madasha shirka waxa ay ka jeediyeen khudbado ay ku muujinaayeen midnimada, horumarka  iyo iskaashiga dagaalka ka dhanka agagixisada.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi  Farmaajo ayaa sheegay in ay waaajib ku tahay madaxda qaran ee shirkan ka soo qayb galay in ay ka shaqeeyaan  midnimada iyo soo celinta rajada shacabka Soomaaliyeed, taasna ay asaas u tahay in meel looga soo wada jeesto dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Alshabaab.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay musiibadii 14kii Oktoobar isaga oo ugu baaqay dhammaan shacab iyo dolwadba in laga shaqeeyo si aysan mar kale uga dhicin dalka dhacdo murugo u keenta carruurta, waalidka iyo guud ahaan Muwaadiniinta.

Kaddib khudbadaha Madaxda, waxaa kulan gaar ah yeeshay guddiyada isku dhafka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyaga oo ka wada hadlaaya sidii ay uga mira dhalin lahaayeen qorshayaasha ay isku afgarteen Madaxdu.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Tartanka...

Ciidanka Qaranka oo duqeyn ku dilay 41 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo Xoogga Dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay lataliye Sare ee rrimaha difaaca

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Isgaarsiinta oo xilalka u kala wareejiyey Agaasimihii hore iyo Agaasimaha cusub

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Xildhibaan Maxamed Aadan...