Sanadihii 1874-1937-dii ย intii u dhaxeysay Guglielmo ย Marconi ,ย Waxa uu ahaa muhandas Talyaani ah iyo Injineer sahmiye ah oo wax ku bartay dugsiga farsamada magaalada Bologna ee dalkaasi ,wuxuuna soo bandhigay,isla markaana suuqa soo dhigay guushii ugu horeysay ee Isgaarsiin Radiyaha bilaa xarkaha ย ah (wireless),
Sanadkii 1901-dii wuxuu hawada galiya Raadiyihii ugu horeeyay ee ku shaqeeya shucaaca Transatlantic, kaasooย gaarayey fogaan dheer.
Isku daygii ugu horeeyay ee la doonayey in lagu hindiso Radiyaha,waxa uu yimid xilli ay jireen ama ay shaqeynayeen Isgaarsiinta loo yaqaano Taarka ,ee fariimaha ku gudbin jiray habka qoraalka.
Dad badan ayaa ka qeybgalay ama lug ku lahaa hindisaha Radiyaha Sida aan ognahay ,wuxuuna soo maray tijaabooyin kala duwan. Qalabka Radiyaha iyoย sida uu u ย shaqeeyo xaggaย isku xirka qulqulka maayadda korontada iyo qalabka isgaarsiinta ย waxa ay bilowdeen 1820-kii,iyadoo ay arimahaasi horseed ka ahaayeen Hans Christian รrsted ,waxaana sii daadihiyayAndrรฉ-Marie Ampรจre,ย Joseph Henry,ย Michael Faraday, James Clerk Maxwell,Tesla , Sir Williams Pree ย iyo kuwo kale .
Sanaadkii 1873-dii waxaa soo baxday aragti ku saabsan in ย fikrad wanaagsan ooย laga qabo Radio Magnetism-ka, jiritaanka hirarka electromagnetic-ga ย iyo shaqadooda
Sanadkii 1894-tii Profasoorย Augusto Righiย oo bare ka ahaa Jaamacadda Bologna ee dalka Talyaaniga ayaa warqad qoraal ah gaarsiiyay Mac-hadka Boqortooyada ee London,kaas oo uu kaga hadlaayey ย sida loo gudbiyo shucaaca korontada ee bilaa xarkaha ah,waxaana islasanadkaasi ย Mr. Lodge oo kamid ahaa aqoonyahanadauu sharaxaad kabixiyay shaqada ay qabtaan awoodda korontada ee loo yaqaanno Hertz iyo guusha laga gaaray horumarka dhinaca quwadda krontada.
Markoni oo ka faaideysanaaya waayoaragnimadaย khibradda iyoย tijaabooyinka la xiriira shaqada Telegraphka iyo qulqulka maayadda,waxa uu sanadkii 1880-kii bilaabay in uu dabagal ku saameeyo arimahaasi,isagoo fahmay in shucaaca Raadiyaha ee xagga korontada loo isticmaali karo bilaa xarig(wireless).
Marconi ย wuxuu markii ugu horeysay qalabkiisa ku isticmaalay in loo adeegsado gudbinta maayadda korntadaย ee xagga adeegga dhawaaqa gambaleelka ee la suro iridda ama albaabka guryaha ,isagoo ku shaeynaya qalab la farsameeyay oo qeybqeyb ah sida xaashi bir ah,receiver,conector iyo ย qalab kale.
Markoni waxa uu dhamaadkii 1895-tii ku guuleystay in shucaaca korontada Raadiyaha uu gaaro masaafo dhan 1.5 miles oo u dhigma 2.4 km,waxaana tallaabadaasi abaal marin ku siiyay masuuliyiinta dowladda Ingiriiska.
Sanadkii 1897-dii Markoni waxa uu aasaasay shirkad lagu magacaabo Wireless Telegraph Trading Signal Company. Isagoo sidoo kale bilaabay dhismaha saldhig Raadiyo oo laga hirgaliyayย Niton, Isle, Wight, England.
1898, Marconi wuxuu warshad sameysa qalabka Raadiyaha ย ka furay Hall Street,ย Chelmsford, England,halkaasi oo ay shaqaale ka noqdeen ilaa 50-ruux oo shaqaale ah,oo aqoon durugsan u leh sameynta aaladaha uu ku shaqeeyo Radiyaha sida Transistors,diyodo,guluubbo,adapter,amplevier iyo kuwo kale.
Sanadkii 1899-kii Markoni waxaa xiriir wada shaqeyneyd oo xagga isgaarsiinta bilaa xarigga ah la yeeshayย Julio Cervera Baviera, Kadib markii ninkaasi uu booqasho ku tagay xarun uu lahaa Marconi oo uu ku rakiban yahay Radio Telegraphic,waxayna bilaabeen in ay xal u helaan dhibaatooyin ay sababeen habka isgaarsiinta ee bilaa xarigga ah,iyagooย arintaasi guusheeda ku helay abaalmarinno qaali ah .
Sanadkii 1900.Shirkadii Markooni waxa ay magacii u badashay Marconi’s Wireless Telegraph Company,isagoo ย sanadkii 1901-dii ย hawada geliyay shucaaca Radiyo mowjadiisu tahay 366,hirkiisuna yahay 820 KHz
Marconi waxa uu ku guuleystay in magaalada ย England Canada iyoย mareykanka uu isaga gudbiyo wararka,wuxuuna sanadkii 1902-dii aasaasay xarun isgaarsiin oo uu ka hirgaliyay Jamhuuriyadda Ireland ,si loola socdo ama la isugu xiro maraakiibta ganacsiga iyo kuwa kale ee ka imaanaya Mareykanka
Marconi waxaa sanadkii 1909-kii lagu abaalmariyay biladda ย Nobel Prize ee xagga cilmiga Fisigiska,kaaas oo ay bixiyaan Akadeemiyada Sayniska ee boqortooyada Swedishka,wuxuuna ku qaatay gacantii uu ka geystsyย radio sciences.
1923-1927, Marconi waxa uu kordhiyay awoodda Raadiyaha Telegraphka ku shaqeeya mowjadaha ย hirarka gaagaaban,isagoo qandaraas ka heysta boqortooyadii Ingiriiska,wuxuuna gaarsiiyay London ,Australia, India, South Africa iyo Canada
Kaalintii uu Markoni ku lahaa horumarinta isgaarsiinta ee xagga taariikhda,wax yar kadib markii la galay qarnigii 20-aad madaxda Mareykanka waxay abaal marin siiyeen Markoni ,taasoo sababtay in uu horay u sii riixo shaqadiisii hore.
Marconi waxa uu dhintay sanadkii 1937.,iyadoo 1943 maxkamadda sare ee Mareykanka ay xaqiijisay in hindisaha iyo qalabka Markoni ee dhinaca Radiyaha uu yahay mid la aqoonsaday oo dhaqangal ah,isla markaana heysta ogolaansho caalami ah.
Wax suโaal ah kama taagna in ay jiraan cid Markooni kaga wanaagsan hindisaha,hasa yeeshee Lodge, Tesla, iyo Stone ayaa lagu tiriyaa ragga gacanta weyn ku lahaa sameynta Radio Telegraph ,inkastoo aysan ย helin abaalmarinno la mid ah kuwii uu qaatay Markooni.
W/Qoray Shire Xasan Kulmiye