Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhigiisa Turkiga “Sawirro”

Date:

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta oo khamiis ah dhigiisa Dalka Turgiga Ben Ali Yildirim kulan kula qaatay Magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga.

Mudane Xasan Cali khayre iyo dhigiisa Turkiga ayaa si wadajir ah Salaan Sharaf ugu qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Turkiga,waxaana loo tumay astaanka Qaranka Labada Dowladood.

Intaasi ka dib Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Ra’iisal wasaraaha Turkiga Ben Ali Yildirim ayaa kulan saacado qaatay wada yeeshay,waxayna si qoto dheer uga wada hadleen Xiriirka labada dal iyo sida lagu xoojin doono.

Kulanka Labada Ra’iisal wasaare ay yeesheen waxaa goob joog ahaa Wasiirka Difaaca Turkiga iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladdaasi.

Sidoo kale,waxaa la filayaa in kulan labaad ay isugu yimaadaan Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo dhigiisa Turkiga Ben Ali Yildirim,kaasoo oo ah kulan qado sharaf oo loo sameeyay wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Qado sharafta ka dib ayaa Wafdiga Ra’iisal wasaare Kheyre iyo madaxda Turkiga waxay so qoto dheer uga wada hadli doonaan xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya Labada dal iyo sidii Dowladda Turkiga u kordhin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya iyo sidoo kale iney iska xog wareystaan horumarka Goboleed iyo kan caalamiga ahba.

Dhanka kale,Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa booqan doona dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Soobe ee dhawaan loo qaaday dalka Turkiga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo dhagax dhigay masjid laga dhisayo Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo seddax maalmood ah hoos u dhigtay Calanka Soomaaliya

Iyada oo la fulinayo Amarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Dhuusamareeb uga qeyb galay Madasha Maan-tashano

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane...