Doorashada ku celiska ah ee madaxtinimada oo saaka ka billaabatay dalka Kenya

Date:

Dalka Kenya waxaa maanta sirasmi ah uga bilaabatay doorashada madaxtinimo ee ku celiska ah  iyadoo Ammaanka Dalkaasi aad loo adkeeyay dadka reer Kenya ayaa u  dareeray codaynta doorashada lagu murmay , taas oo uu qaadacay xisbiga mucaaradka ugu wayn ee Dalka Kenya.

Magaalooyinka iyo guud ahaan Gobolada Dalkaasi Kenya ayaa waxaa lagu arkayaa saakay dad aad u farabadan oo safuuf dhaadheer ugu jira sidii looga qeyb qaadan lahaa codbixinta doorashada.

Uhuru Kenyatta oo horey ugu guuleystay doorashada ayaa  raadinaya in mar labaad xilka loo soo doorto,wuxuuna  Kenyatta uu ugu baaqay dadka in ay codeeyaan islamarkaana la adkeeyo nabad geliyada guud ahaan dalka gaar ahaan goobaha doorashooyinkaasi ay ka socodaan.

Balse arrinta shakiga leh ayaa ah in uu Hoggaamiyaha mucaaradka Dalkaasi Kenya Raila Odinga  isaga haray doorashada ku celiska ah, wuxuuna ugu baaqay taageerayaashiisa in aysan ka codeyn doorashadaasi bilaabatay.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati  ayaa  sheegay in xorumaha coddayntu ay furmi doonaan 6:00 subaxnimo, kaddib markii ay xukuumadu damaanad qaad siisay taasi oo keentay in dorashadu ay bilaabato.

Ciidamo aad u farabadan oo gaaraya Tobannaan kun oo booliis ah iyo xubnaha kale ee laamaha ammaanka ayaa la geeyayy goobaha codbixinta si ay u sugaan Amniga guud ee  goobaha laga codaynayo iyo xarrumaha codka laga dhiibanayo dhamaantoodaba.

Kenyatta oo dadka ugu baaqaya in ay codeeyaan ayaa sheegay in awoowa yalkood ay u soo dagaalameen una dhinteen xaqa in dadka Afrikaanka ah ay codkooda dhiibtaan.

Tan iyo markii Maxakamadda sare ee dalkaasi ay laashay guushii uu horey u gaaray Mr Kenyatta waxaa soconayay olole siyaasadeed iyadoo uu jiray jahawareer arintaasi ka dhashay, xubin ka mid ah guddiga ayaa horey isku casishey, markii khilaafka uu sii fogaaday,balse la arkidoonee qaabka ay u dhacdo doorashada iyo natiijada ka soo baxda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo gacanta ku dhigay Mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin

Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda Muqdisho oo ka duulaya xogo...

Soomaaliya iyo Liibiya oo Xoojiyey Xiriirkooda Diblamaasiyadeed ka dib Wadahadallo ku dhexmaray Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa...