Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare oo warbixin ka dhageystay Wasiirka Kalluumeysiga

Date:

Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa uu dhexmaray Guddiga khayraadka Qaranka,kaabayaasha dhaqaalaha  iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare iyo Wasiirka Wasaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada kulanka ayaa waxaa uu ahaa warbixin guddigaasi uu ka dhageysanayay Wasiirka Kalluumeysiga oo isagu faah faahin ka siiyay guddigan howlaha horyaala Wasaaradda iyo waxyaabihii u qabsoomay.

Xubnaha guddiga ayaa mudadii kulankaasi uu socday waxaa ay su’aalo weydiinayeen Wasiirka kuwaasi oo la xiriiray waxqabadka Wasaaradda iyo qorshe howleedyada horyaala,iyadoo Wasiir kuxin uu ka jawaabayay.

Dr C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi Wasiirka Kalluumeysiga ayaa guddiga ka codsaday in ay wax ka qabtaan cabashooyin uu soo jeediyay oo Wasaarddu ay qabto.

Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka,Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare Mudane Ilyees Cali Xasan oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ka guddi ahaan ay kala shaqeyn doonaan Wasaaradda sidii ay wada shaqeyn u dhexmari lahayad,isagoo balanqaaday in waxbadan laga qaban doono cabashooyinka ay soo gudbisay Wasaaradda.

Guddigan iyo Wasiirka ayaa ugu dambeyn isla gartay in sedexdii biloodba mar warbixin qoraala ah Wasaaraddu ay la wadaagto guddiga si loo xoojiyo wadashaqeynta.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo Golaha Aqalka sare asy kula xisaabtamayaan  madaxada hay’adaha kaladuwan ee Dalka,waana Wasiirkii todobaad oo uu guddigan la xisaabtamo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...