Wasaaradda Caafimaadka oo deeq dawo ah gaarsiiyay qaar ka mid ah Isbitaalada Muqdisho

Date:

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta Isbitaalada Muqdisho qaarkood gaarsiiyay deeq dawo ah, taasi oo ka qeyb  qaadaneysa habsami u socodka howlaha caafimaadka ee Isbitaalada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Cabdullaahi Xaashi ayaa sheegay Afar kun saddex boqol iyo shan kartoon ay tahay dawooyinka dowladda la soo gaarsiiyay, kuwaasi oo qeyb ka mid ah maanta lagu wareejiyay maamulada Isbitaalada Keysaney, Deyniile, Benaadir iyo kuwa kale, si loogu adeego bukaanada isbitaaladaasi jiifa.

“Guud ahaan waxaa noo timid 4,305 (afar kun saddex boqol iyo shan ) kartoon oo daawo ah kuwaas oo ka kala yimid Kenya, Jabuuti, Ethiopia, Qatar, US Aid, UN SOS, Puntland, Save the children, WHO iyo Zam Zam foundation” ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa dadaal ugu jirta sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha ay qabaan Isbitaalada magaalada Muqdisho, kaddib markii howlo wadeenno ka tirsan Wasaaraddu ay qiimeeyn ku soo sameeyeen qaar ka mid ah Isbitaalada magaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...