Safiirka Marykanka ee Malaysia oo booqatay iskuulka Soomaalida ee Kuala Lumpur (Sawirro)  ​

Date:

Kuala Lumpur(SONNA)–Danjiraha Marekanka u fadhiya dalka Malaysia, Kamala Shirin Lakhdhir ayaa booqashadii ugu horreeysay ku tagtay iskuulka Soomaalida (Somali Community School) oo ay wax ku bartaan ku dhawaad 218 ardey oo Soomaali ah.
 
Dugsigan oo waxbarashada aasaasiga ah ee ka billaabata xanaanada carruurta ilaa fasalka sagaalaad ay ardeydu ku qaataan, wuxuu ku yaalla xaafadda ay Soomaalida ku badan-tahay ee Gombak oo ka tirsan magaalada Kuala Lumpur ee caasimada Malaysia.
 
Ambassador Kamala Shirin , ayaa inta ay booqashada ku jirtay waxaa ay kormeertay qeybaha uu iskuulka ka kooban-yahay, bilowgii horeyba waxaa ay ka tacsiyeesey qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee 14 bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ay caddeysay inay ka xuntahay qaraxaasi. 
 
Ardeyda wax ka barata iskuulka, ayay fursad u siisey inay su’aallo weydiiyaan, waxaana ay warbixin ka siiyeen xaaladda iskuulka iyo baahiyaha uu qabo, danjiraha waxay muujisay inay ku faraxsantahay booqashada ay ku tagtay iskuulka bulshada Soomaalida, iyadoo markaasi xaqiijisay inay mar kale soo booqan doonto.
 
“Danjiraha waxay sheegtay inay wax badan ka caawineyso iskuulka, waxaa ugu weyn ee ay noo sheegtay inay fasal cusub ku soo kordhin doonto iskuulka.” ayuu yiri Cabdifitaax Maxamed Cabdulle oo ah aasaasaha iskuulka bulshada Soomaaliyeed,Waan uga mahadcelinay booqashada, ardeyda iyo macallimiinta ayaana halkan ku soo dhaweeyay.” ayuu raaciyay hadalkiisa.
 
Dugsiga waxbarashada aasaasiga ah ee bulshada Soomaalida Malaysia ardeyda ayaa sidoo kale ku qaadata casharo diini ah,wuxuu shaqeynayay tan iyo sannadkii 2011-kii markaa oo ardeydii ugu horreeysay waxbarashada loo billaabay – muddada ku dhawaad afar kun oo ardey  Soomaali ah ayaa ka faa’iideysatay, kuwaaso hadda wax ka barta dugsiyada sare ee Malaysia, sida u SONNA u sheegay aasaasaha iskuulka, Cabdifitaax Maxamed Cabdulle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee BJFS oo ka dooday Axdiga Afrika ee Xuquuqda Carruurta.

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha...

Guddiga Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday Axdiga Afrika ee Xuquuqda Carruurta.

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha...

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...