Muqdisho oo guud ahaan maanta laga banaan baxay iyo Shabaab oo la wada nacay

Date:

Kumanaan shacabka reer Muqdisho ayaa maanta waxaa ay dhigeen banaan baxyo ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyada Shabaab iyo qarixii ISgoyska Soobe oo dad badan ay ku waxyeeloobeen.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran waxaana la arkayay dadweyne aad u farabadan kuwaasi oo careysan fililada guracan ee Shabaab.

Dadkani oo wejiyohoodi laga dheehan karay sida ay uga soo horjeedaan dhibaatada Shabaab ayaa ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ku qotoma Shabaab dooni mayno iyo ereyo kale.

Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb qaatay dibad baxaasi,waxayna shacabka ku dhiiro geliyeen in ay u midoobaan sidii looga hortagi lahaa khataraha Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...