Madaxweyne Farmaajo “waxa aad noqoteen dalkii ugu horreeyey ee si dhaw noola qaybsada musiibada dhacday”

Date:

Muqdisho, 16 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday Xarunta Gurmad Qaran oo ay ka socdaan hawlaha gurmadka iyo baadigoobka dadka lagu la’yahay qaraxii argagixisanimada ahaa ee Soobe.

Madaxweynaha ayaa khadka teleefanka kula hadlay dad la soo wacay xarunta oo baadi goobaaya dad ay ilaa haatan ku la’yihiin qarixii, waxa uuna u sheegay Madaxweynuhu in dowladdu ay samaynayso dadaal kasta oo wax loogu qabanaayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay dhallinyarada iskood isu xilqaamay ee howl-wadeenada ka ah barnaamijka Gurmad Qaran, waxa uuna ku bogaadiyey wadaniyadda ay muujiyeen iyo sida hagrasho la’aanta ah ee ay isu abaabuleen si ay dhibka ula qaybsadaan dadkooda.

Dhinaca kale, Madaxweynahu waxa uu tagay garoonka diyaardaha ee Aadan Cade halkaas oo uu ku saagootiyey qaar ka mid ah dhaawacyada oo loo qaadaay dalka Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu halkaas kaga guddoomay Wasiirka caafimaadka Dalka Turkiga Mudane Axmed Demirkaan tacsi uu ka siday Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha dalkiisa.

Wasiirka ayaa yiri “Mudane Madaxweyne, waxa aan dhambaal tacsi ah idiin ka sidaa Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan iyo Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Bin Cali Yildirim. Waxa aan halkan u imaanay si aan idiin la qaybsanno murugada, markastana waa idiin muujinnaa in aan idin garab taagannahay.”

Madaxwyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay garab istaagga Turkiga ay u sameeyeen Soomaaliya mid ay ka filaayeen, maadaama labada dal ay ka dhaxeeyso xirriir qoto dheer iyo iskaashi walaaltinimo.

“Turkiya shacab iyo dowlad, waa ku mahadsantihiin sida aad ugu damqateen walaalihiina Soomaaliyeed, waxa aad noqoteen dalkii ugu horreeyey ee si dhaw noola qaybsada musiibada dhacday.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...