R/wasaare kheyre oo Guddi u xilsaaray gurmadka dadka qaraxii shalay waxyeelada ay kasoo gaartay

Date:

Muqdisho (SONNA)  Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa Magacaabay Guddiga isku xirka gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay galab kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen Isgooyska Soobe ee Magaaladda Muqdisho, kaasi oo waxyeelo xooggan ay kasoo gaartay Shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Guddiga uu Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa kooban Wasiiro iyo Ururada Bulshada, waxaana ay ka shaqeyn doonaan sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadka dhaawacyada culus  qaraxii Shalay Muqdisho ka dhacay ay kasoo gaareen.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa ku baaqay in dhammaan xubnaha Golaha Wasiirada in ay ka qeyb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay dhibaatooyinka ka soo gaareen qaraxii maalinimadii shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho, isagoo xusay in dadka dhaawacyada culus qaba ee dalka gudahiisa waxba looga qaban karin Xukuumadda ay u qaadi doonto Caafimaad Dibada ah.

R/wasaae Kheyre, ayaa xusay in ay lagama maarmaan ay tahay in dadka Soomaaliyeed lala qeybsado murugada iyo dhibaatooyinka kale ee ay dareemeen, kadib qaraxii maalinimadii shalay ka dhacay isgoyska Soobe, kaas oo geystay dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanta.

Mudane Kheyre, waxa uu ku booriyay xubnaa Golaha Wasiirada in ay dadka walaalohood ah  ee ay soo gaartay dhibaatooyinka ay ugu deeqaan dhiig iyo kaalmooyin dhaqaale   oo wax u tara dadkaas, isla markaana ay ku yaboohaan dhaqaale kaaalmo ah.

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Wasiirka Beeraha ee Aljeeriya

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamuud Axmed...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray wadada Soobe oo dib udhis lagu sameeyay

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....