Ra’iisul Wasaare Khayre β€œCalanku qiimo yeelan maayo haddii midnimo la waayo”

Date:

Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay sanad guurada 63-aad ee kasoo wareegtay maalinta calanka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay xarunta Dawladda hoose ee Xamar, iyadoo ay ka qeyb galeen, Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre, gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan β€œJawaari”, Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo qeybaha bulshada.

Xafladda oo si weyn loo agaasimay ayaa waxaa khudbado ka jeediyay Madaxda Dawladda oo ka hadlay qiimaha maalintaan ay leedahay iyo dhibaatooyinkii loo soo maray hindisidda in calan Soomaaliyeed laga taago dhulka Soomaalida.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadda ka sheegay in halgan badan loo soo maray calankan maanta xuskiisa la jooga, isla markaana loo baahan in laga ilaaliyo wax walba oo sharafkiisa wax u dhimaya.

β€œCalanku wuxuu astaan u yahay qaranimadeena, jiritaankeena, wadajirkeena, wuxuu astaan u yahay inaan nahay dal xor ah. Calanku qiimo yeelan maayo haddii midnimo la waayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusuusiyey dadka Soomaaliyeed wax lagu waayey midnimo iyo wadajir in cidina aysan colaad iyo dhibaato ku keeni karin, sidaas daraadeedna loo baahan yahay gacmaha in la is qabsado oo laga wada shaqeeyo nabadda iyo horumarka dalka.

β€œWaxaa dhamaaday waqtigii la niyad jabi jiray, caawa madaxda idin hor-taagan ma ahan kuwii niyad jabi lahaa, dadka iyo dawladda Soomaaliyeed horay ayay u soconayaan, gadaal uma noqonayaan” ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Khayre.

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan (Jawaari) oo hadal kooban munaasbada ka jeediyay ayaa shacabka Soomaaliyed ku bogaadiyay in la isku baraarujiyo ahmiyada uu calanka leeyahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo maanta si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed & Ciidamada Amniga Jubbaland oo howlgal ballaaran ka wada deegaanno ka tirsan Jubbooyinka

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Amniga Jubbaland, ayaa...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo gaaray Maraykanka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...