Washington(SONNA) Wasiirka Maaliyadda DFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya Shirka IMF iyo Bangiga Aduunka oo ka furmay Magaalada Washington D.C. ee xarunta Dalka Mareykanka
Wasiirka W.Maaliyadda DFS Dr C/Raxmaan Ducaale ayaa lagu wadaa in shirkaasi oo u dhaxeeya madaxda IMF iyo kuwa Bangiga Aduunka uu ka sheego arrimo ku saabsan Lacagta Shilin Soomaaliga ah ee dhawaan la soo daabacayo.
Inta uu jooga magaalada Washington wafdiga Wasiirka Maaliyadda waxaa ay kulamo la yeelan doonaan madax kaladuwan oo ka kala socota hay’adaha Caalamiga ah oo taageera Soomaaliya,isagoo kala hadli doonna dowrka ay ku leeyihiin taageerada Soomaaliya.
Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshayaal iyo dadaalo ku aadan sidii loo soo daabici laha lacago Shillin Soomaali ah.