Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay xubno ka socday Qurba Joogta

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kulan qado sharaf ah la yeeshey xubno ka socoda Qurba Joogta Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Ujeeddada kulanka ayaa wuxu ahaa sidii Qurba Joogta Soomaaliyeed ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya, iyagoo Madaxweynaha Soomaaliya uga xog warramay xaaladaha kala duwan oo ay ku sugan yihiin Soomaalida Qurbaha kunool.

Dhageysiga argtida Qurba joogta kaddib ayuu dhankiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga warramay xaaladda guud ee dalka iyo horumarada ay ku talaabsatay Dowladda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulanka ka sheegay in ay jiraan fursado u banaan dadka Qurbaha ku nool ee Soomaaliyeed, taasi oo ah in ay dowrkoodi wadaniyadeed ay ka qaataan sidii maalgashi ugu sameysan lahaayeen Dalkooda.

Mudane Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay horey u socoto, dowladduna dadaal ugu jirto sidii Dalka horumar loo gaarsiin lahaa Qurba joogtana looga fadhiyo in doorkooda ay muujiyaan, isla markaana waaya aragnimadoda iyo aqoontooda ay dalka ku soo celiyaan.

Sanadihii ugu dambeeyey oo dalka uu ka soo kabsanayay burburkii 25 sano ee la soo dhaafay dalka ka jiray ayaa waxaa muuqanaysay in qurba joogta Soomaaliyeed ay kaalintoodi ka qaadanayeen sidii dalka loo maalgelin lahaa, iyagoo ku lug leh mashaariic horumarineed oo ka socota guud ahaan dalka, haatanna looga baahanyahay inay sii labo jibaaraan dadaalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...