Deeq daawo ah oo la gaarsiiyay Isbitaalka Xoogga dalka

Date:

Muqdisho (SONNA) Hogaanka caafimaadka Ciidanka Xoogga dalka ayaa maanta lagu wareejiyay deeq daawo iyo qalab caafimaad oo loogu talagalay Isbitaalka Xoogga.

Deeqdan oo isugu jirtay daawo iyo qalab caafimaad ayaa loogu talo galay Isbitaalka Xoogga dalka, waxaana ay ka timid deeqda Hay’adda Islamic Relief oo fadhigeedu uu yahay dalka Mareykanka.

Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib oo gudoomiye u ah Hay’adda Freghty For Humanity oo lasoo marsiiyey deeqda ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay waajib ku tahay in la garab istaago ciidanka.

Isbitaalka xoogga dalka oo soo maray marxalado kala duwan ayaa iminka u muuqda mid sameynaya horumar weyn, dhaqaatiirta iyo maamulka Isbitaalka ayaana deeqdan ku tilmaamay mid door wanaagsan ka qaadan karta horey u socodka howlaha uu isbitaalka Isbitaalka Xoogga u hayo ciidamada qalabka sida.

Taliyaha Hogaanka Caafimaadka ee Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Liibaan Xuseen Cismaan iyo guddomiyaha Guddiga Taakuleynta Ciidanka Jeneraal Axmed Jaamac Muuse ayaa tilmaamay in dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka ay door fiican ka qaadan karaan dadka Soomaaliyeed oo ay tahay iney caawiyaan.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo amniga ee Golaha Aqalka Sare Sanator Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka oo marxalad adag ku shaqeeya ay xiligan mudan yihiin in la garab istaago, isagoo baaq u diray bulshada Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...