Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya oo kulan la qaatay gudoomyaha hey’adda Turkiga ee Turkiga

Date:

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xuukuumadda F. Somaaliya Mudane Saciid Xuseen  oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay xarunta dhaxe ee hay”adda Tika, Guddoomiyaha Hay”addaaasi, sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga  Jaamac Cabdulaahi Caydid.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya iyo Dr.Serdar Cam, Gudoomiyaha Heyadaha Horumarinta Caalamiga ee loo soo gaabiyo TIKA, ayaa kulanka ay yeeshan waxaa ay ugu wada hadleen  iskaashiga ka dhaxeeyo labada dal, sidii  kor loogu qaadi lahaa  isla amrkaana sare loogu qaadi lahaa Mashaariicda horumarineed oo Hay”adda TIKA  ka waddo Soomaaliya.

Mudane Saciid Xusen  Wasiirka Beeraha ayaa uga  mahad celiyay Dowladda Turkiga iyo gaar ahaan Heyadda TIKA mashaariicda badan ee ay ka fuliyeen Soomaaliya kuwaasoo isugu jira dhinacyada caafimaadka,Waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiirka Beeraha ayaa bogaadiyay Hay”adda TIKA sida ay kaalin muuqata uga qaadatay la dagaalanka cunto yaraanta iyo wax soo saarka dalagyada beeraha.

Gudoomiyaha TIKA Dr.Serdar ayaa dhinaciisa muujiyay siday ay  diyaar  ugu   yihiin kordhinta mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Beerahu ay ahmiyad gaar ah u leeyihiin dib usoo kabashada dhaqaalaha Soomaaliyed.

Gaba gabadii ayaa  labada Mas’uul ku heshiiyeen in la sii wado qorshaha iskaashi ee labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...