Qaban qaabo lagu furayo xeradii ay dhiseen Turkiga oo Muqdisho ka socota

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya qaban qaabo ku aadan munaasabadda xarrigga looga jarayo dhismaha xaruntii tababarka Ciidamada oo ay hirgelisay Dowladda Turkiga,taasi oo la filayo in maanta si rasmi ah loo furo.

Waxaa munaasabadda ka qeybgalaya mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga,iyadoo saldhigani loogu talagalay in markiiba lagu tababari karo ilaa 10,000 oo askari.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Turkiga Hulusa Akar,iyadoo saaka lafilayo in ay Muqdisho soo gaaraan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Turkiga si ay uga qeybgalaan munaasabdda xarig jarka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Muqdisho kula kulmay Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga,ayaa kala hadlay sidii Dowladda Turkigu ay u kordhin lahayd taageerada ay u fidinayso Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka hadli doona arrimo ahmiyad leh oo ku aaddan xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeyb Gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee ITF

Magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka ayaa lagu soo gabagabeeyay...

Hoggamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socoto cod-bixinta doorashooyinka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil...

Guddoomiye Aaden Madoobe oo codkiisa ka dhiibtay Baydhabo

Musharax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe,...