Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo soo xiray Shirkii Mideynta Canshuuraha Dalka “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)  Magaaladda Garoowe ee Xarunta Dowlad goboleedka Puntland ayaa   waxaa lagu soo gaba gabeeyey shirkii looga hadlayay dhaqaalaha Dalka iyo mideynta canshuuraha guud, waxaana goob joog ahaa kulanka Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirada Maaliyadda Dowlad gobaleedyada Dalka ka jira iyo Masuuliyiin kale.

Gabagabada kulanka ayaa hadalo kooban waxaa ka jeediyay Wasiiradda Maaliyadda Dowlad gobaleedyada, iyagoo ka hadlay faa’iidada ay leeyahay isku xirnaanta Maamulada iyo Dowlada dhexe  ee dhanka dhaqalaha iyo in la wadaago kheyraadka guud ee Dalka iyo deeqaha Dibada ay ka hesho Dowladda Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa  soo xiray Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale beyle, isagoo  sheegay in qodobo dhowr ah laga soo saaray kulankii ay ku yeesheen Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, waxaana uu xusay in Heshiis guud laga qaatay in si siman loo qaado canshuuraha ay qaadaan Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada.

Wasiirka ayaa sheegay in Shirkan kiisa xiga lagu balamay in lagu qabto Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland, Gogosha shirkana uu dhigay Wasiirka Maaliyadda Maamulka Jubbaland.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...