Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya oo la kulmay Fanaanadda Qaran ee Maryan Mursal Ciise”Sawirro” 

Date:

Muqdisho (SONNA)   Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xiggeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Fanaanadda Soomaaliyeed ee  caanka ah Maryan Mursal Ciise oo dalka dib-ugu-soo laabatay.
 R/Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhiiri gelinayaan Fanaaniinta iyo Abwaanada Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay in ay yihiin hal doorka Qaranka.
“Fanka  Soomaaliyeed  wuxuu kamid yahay guulaha ay dadkeenu ku faani karaan, dhammaanteen waxaa waajib inaga saaran yahay inaan xoogga saarno soo nooleynta fankeenii  wanaagsanaa kuna faanaa hiddaha iyo dhaqanka qaniga ah ee aynu leenahay”ayuu yiri Ra”iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.
Fanaanada Soomaaliyeed ee Maryan Mursal Ciise ayaa uga mahad celisay soo dhoweynta iyo marti qaadka ay ka heshay Xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan ku simaha Ra’iisul wasaraaha ahna R/wasaare ku xiggeenka , iyadoo xustay in ay wado heeso Wadani ah oo lagu baraarujinayo bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...