Madaxweynaha JFS oo maalgaliyay mashruuc indho fiiqis ah+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Ilaa 100 qof oo danyar ah oo kunool magaalada Muqdisho ayaa ka faa’idaystay  mashruucani indho fiiqista ah oo uu maalgeliyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo kana bixiyay mushaarkiisa.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada  Soomaaliay C/qaadir Macallin Nuur oo dadkaasi ku booqday Isbitaalka Yerdimeli oo ay gacanta ku hayaan walaalaha Turkiga oo kuyaala degmada Xamar Jajab ayaa faah faahin ka bixiyay howlaha indho fiiqista ah oo uu madaxweynaha maalgaliyay.

“Sida aad ogtihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadad Federaalka Soomaaliya wuxuu ku yimid rabitaanka shacabka,iyo in uu balanqaaday in uu wax u qabto,sida aad la socotaan waxaa socda maalmahan barnaamijyo isdaba joog ah oo bulshada lagu horumarinayo ,waxaa kamid ah tan oo jeebkiisa uu ka bixiyay lacagtan lagu daaweeyo dadkani oo aragga la’aa in muddo ah,balanqaadyadii uu sameeyey ayuu fuliyay,waxaan leenahay ajir allahakaasiiyo,umadda Soomaaliyeedna sidaasi ha isugu gargaarto”,Ayuu yiri Mudane C/qaadir Macalin Nuur.

Qaar kamid ah dadkii ka faa’idaystay mashruucani ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu mushaarkiisa ka bixiyay lacagta indhaha loogu fiiqay,iyagoo sheegay in ay u tahay fursada ay heleen maadaam aysan awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha indhaha loogu fiiqay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u balanqaaday in uu garab istaagi doono bulshada,iyadoo tani ay qeyb ka tahay fulinta balanqaadyadii uu madaxweynuhu  u sameeyey shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...

Wasiirada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Qadar oo yeeshay kulan muhiim ah

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Faahfaahin ka Bixiyay Qaraar ku Saabsan Khayraadka Dabiiciga ah oo uu Meel Mariyay Baarlamaanka West Virginia.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac,...