Francisco Madeira” Dhalinyarada katirsan Al-shabaab haka faaiideystaan fursadda Dowladda Soomaaliya oo haka soo baxaan Al-shabaab”

Date:

Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Caetano Madeira, faah faahiyey Dagaalka Dowladda Federaalka  iyo AMISOM ay kula jirtaan Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo halka ay marayaan Howlgalada xiligan socda.

Madeira ayaa muujiyey in si loo soo afjaro dagaalka Al-shabaab uu socdo qorshe weyn oo la xiriira sidii loo kordhin lahaa gulufka Argagixisada ka dhanka ah ee sida wadajirka ah ay u wadaan ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Dowladda Soomaaliya ayuu uga mahad celiyey doorka wanaagsan oo ay ka qaadaneyso howlgalada Socda, waxaana uu u jeediyey shacabka Soomaaliyeed in dowladda laga taageero dadaalada socda ee meesha looga saarayo kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.

 

Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Caetano Madeira ayaa u jeediyey Dhalinyarada kamidka ah Maleeshiyaadka  Al-shabaab in ay ka faaiideystaan dadaalada nabadeed ee ay waddo dowladda oo ay kasoo goostaan Maleeshiyaadkaasi.

“Waxaan rabaa inaan muujiyo mahadcelinteyda iyo sida aan u aqoonsahay dadaalka dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay sameynayaan, waxa ugu muhiimsan ee salka ah Nabadda iyo xasiloonida waa nabadda, bixinta adeeg bulsho dib u heshiisiin, awood iyo qayraad qeybsi, iyo in wax laga qabto muranka dhuleed ee jira, lana xaqiijiyo ammaaka.” Ayuu yiri Madeira.

“Waxaan kaloo rabaa inaan ka mahadceliyo dadaalka Dowladda Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta xubnaha Al-shabaab ka mid ah ee falalka Argagixisada kula kaca dadkooda, oo ay joojiyaan falalkan kuna soo biiraan dadaalka Dowladdooda, bulshadooda iyo maamul goboleedyada, kaasi oo dib loogu soo celinayo nabada laguna hormarinayo dalka.

Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Caetano Madeira ayaa Maleeshiyaadka Al-shabaab si gaar ah ugu eedeeyey falalka ay kamidka yihiin Askareynta Caruurta oo uu tilmaamay in ay tahay dambi weyn oo ay galeen.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...