Faah faahin ka soo baxaysa Dooni hub siday oo Boosaaso lagu qabtay+Sawirro

Date:

Boosaaso(SONNA) Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland ayaa Deegaanka Marooro oo khayaas ahaantii  9-km u jira magaalada Boosaaso ka soo qabtay doonidan oo lagu magacaabo Alfurqaan  oo waday hub sharci darro ah oo kala ahaa hubka culus iyo Kan Fudud waxaana kamid ah qoryaha loo yaqaano dhashiikaha PKM-ka, Bastoolado iyo sanaadiiq rasaas kujirta.

Gaashaanle Maxamed Maxamuud Xasan oo ka tirsan Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland Ayaa sheegay in ay  ku guulaysteen soo qabashada hubkan ayna ku raad joogaan dadkii doonidaasi u rarnayd iyo halkii ay ku sii jeeday

“Doonidani waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamada ilaalada Xeebaha ee Puntland,waxaana laga soo qabtay deegaanka Maroore halkaasi oo ay howlgalo ka wadeen ciidamadu,waxaa doonida saarnaa hub noocyo kaladuwan leh,waana soo bandhigi doonaan macluumaad dheeri ah oo ku saabsan hubka saaran doonadani”, Ayuu yiri Gaashaanle Maxamed Maxamuud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa saaka ka billowday bannaanbax ballaaran oo...