Madaxweynaha Hirshabeele oo la Kulmay Saraakiil Ka Tirsan QM

Date:

Hiiraan(SONNA) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Saraakiisha UN-ka ee Xafiiska Magaalada Beledweyne, Waxaana kala hadlay xoojinta wax ka qabashada baahiyaha ka jira Hirshabelle iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta iyo dib u dhisa Hirshabelle.

Ugu Horeyn Saraakiisha Ay Wada Kulmeen Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Mas’uuliyada Culus ee 16-kii bishaan loo doortay, waxaana ay muujiyeen sida diyaarka ay ugu yihiin la shaqeynta Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Madaxweynaha Cusub.

Saraakiisha ugu sareysa Xafiiska UN-ka ay ku leeyihiin Magaalada Beledweyne ayaa waxa ay faah faahin ka siiyeen Madaxweynaha howlaha ay ka qabteen Hirshabelle, iyo waxyaabaha horyaala in ay wax ka qabtaan oo ay ka mid yihiin horumarinta Kaabayaasha Dowladda, Dib u dhiska Deegaanada Hirshabelle, iyo arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay sida lagama maarmaanka ay u tahay wanaajinta iyo xoojinta Xiriirka kala dhexeeya Hey’adaha Qaramada Midoobay, waxaana uu ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Maamulka islamarkaana looga jawaabi lahaa baahiyaha deg dega ee soo food saara Bulshada Hirshabelle.

Madaxweyne Waare  oo sii hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in bulshada loo bandhigo waxqabad muuqda oo ay ku qanci karaan taasina looga baahanyahay in UN-ka uu ka shaqeeyo fulinta Mashaariicyo horumarineed oo ay soo gudbin doonto Dowladda Hirshabelle, waxaana ay balanqaadeen Saraakiishaasi fulinta Waxyaabaha uu ka hadlay Madaxweynaha.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday Jawi wanaagsan oo la isku fahmay
waxyaabihii lagu balamayna sida ugu dhaqsiyaha badan loo fuliyo, sidoo kale waxa  ay isla garteen in la joogteeyo kulamada noocaani oo kale ah oo la isku xog wareysanayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...