Xulalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kulan saaxiibtinimo ku wada cayaari doono Muqdisho

Date:

Wasiirka Wasaarrada dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka codsatay safaarradda Jabuuti ee Soomaaliya in xulka kubadda cagta Jabuuti ay ciyaar saaxiibtinimo ay ku ciyaaraan magaalada Muqdisho, iyagoo la dheellayo dhiggooda Soomaaliya.

“Guddiga Olombkada iyo xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, annagoo isku-duubban waxaan rabnaa xulka Qaranka Jabuuti inaan ku martigellino cayaar saaxiibtinimo oo ay la ciyaarayaan xulka kubadda cagta Soomaaliya.” Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa warkan ka sheegtay munaasabad ay kula wareeggeysay agab Isboorti oo ka yimid dowladda Jabuuti.

Waxa ay intaa ku sii dartay: “Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carrab iyo walaalkeen Suleymaan Xasan Waberi guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jabuuti, iyaga ayaan ka rajeyneynaa inay qabsoonto ciyaartaasi.”

Dhanka kale safiirka Jabuuti u fadhiyo Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan ayaa ka jawaabay casuumaadda Wasaarradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha waxana uu yiri: “Waxaan sugeynaa dhawaan inay xulka Qaranka Jabuuti ay ku ciyaaraan Muqdisho ayna kula ciyaaraan walaalahooda Soomaaliya, sidaas ayaan rajeyneynaa.”

Arrintan ayaa noqon doonto mid u gogol xaarto in Soomaaliya ay gurigeeda ku ciyaarto halka markii hore ay ku dheelli jirtay dalka Jabuuti marka loo eego tartamada kubadda cagta ee is reeb reebka Qaaradda Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar 

Muqdisho, Arbaco, 18 Febraayo 2026 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Qalab Casri ah Kala Wareegay Safiirka Soomaaliya ee Turkiga 

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...