Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda oo Kormeeray Dekadda Magaalada Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr C/raxmaan Beyle iyo ku xigeenkiisa Prof C/laahi Shiikh Cali (Qaloocoow) iyo Saraakiil ka tirsan Hogaanka Ilaalada Canshuuraha ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Dakadda Magaalada Muqdisho oo ah mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee Dalka.

Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Dakadda iyo Saraakiisha Ilaalada Canshuuraha ayaa mid mid u hubiyay Agabyada kala duwan ee ka soo dagay Furdada Xamar iyo qaabka loo canshuuray.

Wasiirka Maaliyadda Dr Beyleh ayaa ku dhiiri galiyay shaqaalaha ku howlan qaadista Canshuuraha iyo hubintooda inay Qaranka sidaacad ah ugu adeegaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarrada...

Degmada Gubadley oo u gudubtay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...

Biyo-dhaamin loo sameeyay qoysaska ay saameysay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka

Hey’adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanatar...