Bulshada oo loogu baaqay inay gurmad gaarsiiyaan dadka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed

Date:

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaktar oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, isla markaana xubin ka ah Baarlamanka Afrika  ayaa shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Baydhabowaxa waxa uu kaga hadley xaaladaha beni’aadanimo ee xilligan ka jira deegaannada Koonfur Galbeed oo ay uga horeeyaan biyo la’aanta iyo barakacyaal hor leh oo soo gaaraya magaalada Baydhabo.

Xildhibaanka ayaa baaq u diray Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka ee ka soojeeda Deegaanada Koonfur Galbeed in ay ka qeybqaataan gurmad biyo dhaamin ah oo dhawaan laga bilaabi doono Deegaanada KG.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar ayaa dhanka kale shaagey in uu Deeq waxbarasho oo Jamacadeed oo lacag la’aan ah uu keeney magaalada Baydhabo, taasi oo looga faa’iideyn doono ilaa 100 arday oo soo dhameysay Waxabarashada heerka Dugsiga sare.

Mudane Idiris Cabdi Dhakhtar ayaa sheegay in deeqdan waxabarasho ay ka timid Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo kafaalad qaaday in uu bixinayo lacagta Jaamacadda ee boqolka arday.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...

Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xiliga u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee BJFS

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Hiiraan

Korneyl Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeysay geerida AUN Maxamuud Cabdi Cali Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...