Wefdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray New York

Date:

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo xubno la socda ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, kuwaa oo  horudhac u ah wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo maalinta berri lagu wado inay u kicitimaan New York

Yuusuf Garaad oo shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu horu dhac u yahay wafdi Wasiiro ka kooban oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Kheyre.kuwaa oo ka Qeeb Gali Doono Gulaha Guud ee Qramada midoobay,

“Waxaan hordhac u ahay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo isaga oo hoggaaminaya wafdi Wasiirro ka kooban Soomaaliya ku matali doona shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo Madaxda Caalamku ay sannadkiiba mar isugu yimaadaan”ayuu yiri Yuusuf Garaad qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa markii u horeysay ka qeyb geli doona shirka golaha guud ee Qaramada Midoobey, iyadoo shirkan uu ka baaqday Madaxweyne Farmaajo.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in maanta shirar  gooni gooni ay ay la qaadan doonaan Mas’uuliyiin ka kala socota dalalka Caalamka oo hirkaan ka qeyb galaya.

Dhinaca Kale Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa New York kaga qeyb galaya Shir kale oo soo qaban qaabisay Dowladda Maraykanka kaas oo sanadkiiba mar dhacx-mara Maraykanka iyo qaar ka mid ah Dowladaha Muslimka ah waxaana looga hadlaa sida Maraykanka iyo Muslimiinta isaga kaa shaan lahaayeen amniga.

Madaxda shirkaasi ka qeyb galaya ayaa waxaa ka mid ah hogaamiyaal Dowladda Maraykanka ay muwaadiniintooda ka mamnuucday in Maraykanka u safraan sida Soomaaliya, Ciraaq iyo kuwa kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Roma kaga qeybgalay shirka Taliyayaasha Ciidamada Dhulka ee Afrika

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Somaliyeed Sareeye guuto Sahal...

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...