Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka qaranka oo Muqdisho ka furay tababar aqoon kororsi ah “Sawirro”

Date:

Tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan hababka kala duwan ee doorashooyinka, ayaa loo qabtay xubno ka socday hey’adaha qaabilsan arrimaha doorashooyinka iyo shaqaalaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, waxaana Aqoon is waydaarsigan  soo qaban qaabiyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Aqoon is waydaarsigaan oo socondoona muddo  Saddex maalmood ah ayaa waxaa furay  gudoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaacil Ibraahim  (Xaliimo Yareey .)

Qubarro ku xeeldheer  arrimaha doorashooyinka ayaa bixinaya casharro ka tarjumaya hababka kala duwan ee doorashooyinka, iyadoo xubnihii ka qeybgalay aqoon is waydaarsiga ay is dhaafsaden aragtiyo la xiriira mowduuca.

Dr.  Daahir Mirre Jibriil xoghayaha  guud ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aqoon is waydaarsigan uu ahmiyad leeyahay ayna ka soo bixidoonaan qodobbo dhaxalgal ah,  lana wadadagi doonaan hey’adaha dowladda iyo maamul goboleedyada dalka.

Guddiga madaxa bannaan ee  doorashooyinka Qaranka  ayaa wajibaadkiisu yahay in dalka uu gaarsiyo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020-ka waxa ayna wadaan dadaallo arintaas loogu diyaar garoobayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...