Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo la kulmay Danjiraha Denmark u fadhiya Soomaaliya.

Date:

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa kulan la qaatay danjiraha dawladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mss Mette Knudsen, kulankani ayaa labada dhinac waxa ay kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo in Dawladda Denmark ay Soomaaliya ka caawiso dhinacyada dhaqaalaha iyo adeegyo horumarineed.

“Waxaan isla soo qaadnay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dawladooda sidii loo horumarin lahaa, si gaar ah waxaan iskula soo qaadnay mashaariic wax tar u leh dalka in laga fuliyo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.

Danjiraha Dawladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mette Knudsen ayaa sheegtay soo kabashada Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo horumarka socda inuu indhaha caalamka ku soo jeediyey. Isla markaan ay Denmark diyaar u tahay xaqiijinta iskaashiga labada dawladood iyo in maalgashi ay ku sameeyaan Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane...

Ciidamada xooga dalka ayaa si buuxda ula wareegay jabad -godane

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka...

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...