Deeq Lacageed Oo La Gaarsiiyay Dugsi Ay Wax Ku Bartaa Ardayda Qaba Baahiyahay Gaarka

Date:

Qaar ka mid ah jaalliyahada Soomaalida ee ku nool boqortooyada Ingiriiska ayaa deeq lacag ah oo ay kasoo uruuriyeen dugsiyada waxbarashada ee ku yaalla dalkaasi soo gaarsiyay dugisga Hoose Dhexe iyo Sare Dhagooleyaasha ee Sonad School For Deaf  oo ku yaalla degmada Howlwadaag ee Gobalka Banaadir.

Binti Abuukar Maxamuud oo Jaaliyaddu u soo wakiilatay in deeqdaan lacageed ay soo gaarsiiso dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Dhagooleyaasha ayaa sheegtay in tani ay tahay dhiirigalin iyo taageero ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ugu talagashay in ay ku garab istaagaan Araday dhagooleyaasha oo baahi weyn u qabay in la caawiyo.

“Waxaan dareemikaraa dhagoolka iyo baahiyaha ay u baahanyihiin, arrintaan waxaa  isoo wakiishay Gabadheyda yare e Samiiro Ducaale oo iyaduba ah gabar dhagaha l’a, waxayna kasoo kala uruurisay Iskuullo ku yaalla dalka Ingiriiska, ilaahay caafimaad wanaagsan ha siiyo” ayay tiri Hooyo Binti Abuukar

Marwo Binti oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in aysan jirin hay’ad ama dowlad illaa hadda dhabarka u ritay daryeelka caruurtaan Dhagooleyaasha ah, dhammaan dadka Soomaaliyeedna ay waajib ka saarantahay in ay garab istaagaan walidiinta aan awoodin waxbarista caruurta baahiyaha gaarka ah qaba.

Cismaan Maxamed Nuur oo ah xubnin katirsan maamulka iskuulka dhagooleyaasha islamarkaana ah qof dhagaha l’a ayaa ka mahadnaqay deeqda lasoo gaarsiiyay, isago si gaar ah ugu mahadceliyay Samiiro Ducaale oo ah gabar dhagaha L’a oo jaalliyada UK kasoo aruurisay deeqaasi lacageed, Wuxuuna dhinaca kale ugu baaqay walaalaha Soomaaliyed in ay IL gaar ah u ku eegaan duruufaha ay ku noolyihiin dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

“Dugsiga Dhagooleyaasha Sonad School For Deaf waxaa wax ka barta 162 arday 30 waa agoomo, 43 waxa ay kasoo jeedaan qoysaska dantayar ee aan awoodin in ay bixiyaan lacagta waxbarashada ama buugaata soo iibsadaan, 120 dhagoole ah ayaa guryahooda iska jooga, dhammaantoodna ma heystaan fursado waxbarasho iyo daryeelkii ay u baahnaayeen, waxaan weydiisaneynaa dowladda Soomaaliyeed, hayadaha, ganacsatada iyo qof walba oo Alle uu wax siiyay in ay na garab istaagaan”ayuu yiri Cismaan Maxamed Nuur.

Dalka Soomaaliya ma laha goobo ay daryeel ku filan ka helaan caruurta qaba baahiyaha gaarka ah, waxaana muuqato baahi weyn oo dadkaasi u qabaan in ay helaan adeegyo lamid ah kuwa ay helaan caruurta Soomaaliyeed ee Alle lixaadkoodu u dhameystiray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...