Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo qiimayn dhanka Maamulka iyo Maaliyadda lagu sameeynayo

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr iyo dhamaan Agaasime Waaxeedyada ee Wasaaradda ayaa la kulmay Benson Mutiso oo ka socday hay’adda Baker Tilly Merali’s oo ah hay’ad ay UNDP u xilsaaratay in ay qiimayn ku sameeyso dhamaan hay’adaha dawladda iyada oo la ogaanayo awoodda hay’adaha dawladda ee dhanka tayada maamulka iyo shaqaalaha. Qiimeynta Wasaaradda lagu sameeynayo ayaa socon doonta 3 maalin.

Agaasimaha Guud oo warbixin siinayay Benson ayaa u sheegay in Wasaaradda ay soo martay marxalado kala duwan, iyada oo ka soo gudubtay heer aysan lahayn wax xafiisyo ah iyo shaqaale tayo leh, markaa oo ay ahayd waqtigii la kala gooyay Wasaaradda Dastuurka iyo Wasaaradda Cadaaladda ee horaantii 2015.

Barnaamijkan oo lagu magacaabo HACT Assessment ayaa sadax sano ka hor laga sameeyay dalka, waxaana hadda lagu ogaanayaa heerka ay gaarsiinsantahay awoodda maamul iyo shaqaale ee dawladda.

Ugu dambayn, Wasaaradda ayaa waqtigan waxaa laga dareemayaa in ay sameeysay horumar dhanka maamulka iyo shaqalaha kadib hawlo baaxad leh oo bilooyinkii la soo dhaafay ay ka fulisay dalka iyadoo salka u dhigtay nidaam ku dhisan hufnaan, daah-furnaan, iyo islaxisaabtan.

-DHAMAAD- 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...