Guddoomiye Jawaari iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo ka wada hadlay iskaashiga baarlamaanada labada Dal

Date:

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh ย Cusmaan (Jawaari) iyoย  Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo xalay ku kulmay magaalada Muqdisho ayaaย  kawada hadlay xoojinta iskaashiga Baarlamaanada labada Dal.

Kulankaasi uu dhexmaray Guddoomiye Jawaari iyo Danjire Olgan Baker waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabddalla Cawad,muddadii uu socoday kulankaasi ayaa waxaa ay kawada hadleen masโ€™uuliyiintani iskaashiga Baarlamaanada labada Dal,iyo matanaynta guddiyada labada baarlamaan.

Mudane Maxโ€™ed Sheekh Cusman (Jawaari) guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ayaa sidoo kale Safiirka Turkiga u fahdiya Soomaaliya kala hadlay sidii loo dedejin lahaa dhismaha xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa warbaahinta Qaranka uga warramay waxyaabihi kulankasi ka soo baxay.

โ€œGuddoomiyuhu wuxuu safiirka kala hadlay arrimaha iskaashiga baarlamaanada labada dal,mataanaynta ย guddiyada labada baarlamaan,sidoo kale safiirka wuxuu warbixin ka siyay guddoomiyaha qorshaha dhismaha xarunta golaha shacabka,waxaana la isku afgartay in dhismo KMG ah laga sameeyo xarunta Villa Harggeysa,halkasi oo lagu shaqeynayo dhismaha xarunta baarlamanka ilaa 6 bilood ayay qaadanaysaa, ilaa intaasi halkan ayaa lagu shaqeynayaaโ€, Ayuu yiro mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Dowladda Turkiga ayaa kaalin muhiim ah ku leh taageerada Soomaaliya,sida dhinacyada siyaasadda dhaqaalaha,amaanka iyo dib u dhiska,waana Dowladda Kaliya oo ka mid ah Caalamiga ah oo wax muuqda ka qabtay dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale