Madaxweynaha JFS”Waxaan ku ammaanayaa Ciidanka Xogga, Difaaca Dalka iyo garab istaaga Shacabka”

Date:

Muqdisho(SONNA):–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo qeyb ka mid ah maalintiisa Ciidda la qaatay lana qadadeeyay Cudubyo ka tirsan Ciidan Xoogga Dalka ayaa ku ammaanay doorka Ciidamada oo isugu jira Difaaca Dalka iyo garab istaaga Shacabka.

“Waxaan maanta halkan idin kugu imid in aan idin soo booqdo aan arko sidaad u nooshihiin, idin la ciido waxaan idiin sheegayaa in aa tihiin astaantii Qaranka ilaalinaayay Madaxda Dalka ,waajibaadka idin saaranna uu yahay mid Culus”ayuu yiri Madaxweynaha JFS

Madaxweyne Farmaajo ayaa arin xusuus mudan ku tilmaayay talaabadii dhawaan uu qaaday Ururka 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka oo qeyb ka mid ah mushaarkooda ay ugu hibeeyeen Qoosas dan yar ah.

“Runtii waxaan aad idin kugu mahad calinayaa sidaad usu xilqaanteen ayaan dhaweed oo aad mushaaradiina ugu goyseen dadka masaakiinta ee liinta, waxayna muujineysaa in aad quluubta kala socotaan dadka Masaakiinta ah, waan howsha laga rabo in uu sameeyo qofka Ciidanka ah”ayuu raaciyay Madaxweyne Farmaajo

Qaar ka mid ah Saraakiishii iyo Ciidamadii la Ciiday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa muujiyay niyad samida ay ku abuurtay waqtiga uu siiyay Madaxweynaha Maanta oo Maalin Ciid ah.

Dhiira galinta waa talaabooyin had iyo jeer uu qaado Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, waan qeyb ka mid ah qorshaha Qarka uu dib ugu dhisayo Ciidamadda Xoogga Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...